War Deg Deg:-Nin Hubeysan oo Dad Shacab ahaa Ku Dilay Cabud-waaq

0

Wararka ka imanaya Degmada Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in nin hubeysan uu dilay 3-qof islamarkaana uu dhaawac helis ah uu gaarsiiyay 10-kale oo dhamaan shacab ah.

Dadka dhintay iyo kuwa la dhaawacay ee Shacabk ah ayaa saf ugu jirey goob raashin laga bixiyo oo ku taala gudaha Degmada Cabud-waaq ee Gobolka galgaduud ee bartmaha dhulka Soomaliya.

Axmed Xuseen Xasan(Garba Cune) oo kamid ah waxgaradka Degmada Cabud-waaq oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay dilka dadka shacabka ahaa, iyo dhaawaca,wuxuuna sheegay in arintaan ay tahay mid aad loogu xumaado.

Sidoo kale Axmed Xuseen Xasan(Garba Cune) oo kamid ah waxgaradka Degmada Cabud-waaq ayaa sheegay in ninka falkaan geystay uu horey sidaan oo kale dad ugu dilay degmada,balse aan gacanta lagu soo dhigin.

Dhanka kale  Ciidamada amaanka Degmada Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud  ay ku raad jooga ninkii geystay Falkaan ka dhacay goordhaweyd degmadaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here