Daacish oo Soo Bandhigay Magaca iyo Sawrika Ninkii Fuliyay Weerarkii Boosaaso

0

Ururka Daacish ayaa soo bandhigay Magaca iyo Sawirka ninkii isku qarxiyay Bar kontorool oo Ciidamada maamulka Puntland ay ku leeyihiin bartamaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Kooxda Daacish ayaa sheegtay in qofka fuliyay weerarkaas uu ka mid ahaa askarteeda, waxaana magaciisa lagu sheegay Abuu Qudaama, oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan oo kamid ah beelaha Soomaliyed islamarkaana uu kusoo barbaaray Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Ma jirto faah-faahin kale oo daacish ay ka bixiyay weerarkaas, waxaana la xaqiijiyay in weerarkaas mlagu dilay 1-askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland,5-qof kale oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen.

Waa weerarkii Labaad ee ururka Daacish oo xiriir la leh Ururka Al-qaacida ay ka fuliyaan Soomaliya markana laga yimaada weerar sanadkii 2016-kii ay ku qaadeen kolonyo ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo marayay deegaanka Calamada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here