Nin Ruwaandees ah oo Si Arxan Darro ah u Dilay Saaxiibtiis!

0

Maxkamadda magaalada Tromsø ayaa ku amartay in dambiilaahaas gacan ku dhiiglaha ah uu bixiyo lacag dhan 480,000NOK lacagtaas oo ah magdhaw iyo duugta loogu talagalay in la siiyo waalidiinka haweeneyda uu dilay .

Ninkaan Ruwaandeeska ah ayaa si arxan darro ah u dilay haweeney reer Tromsø ah oo lagu magacaabi jiray Linn Olsen Uteng oo 32-jir ah kadib markii uu 22-jeer ka tooreeyey dhinaca naaska, waxa uuna xiriirkooda saaxiibtinimo kasoo bilawday sanadkii 2009-kii iyadoo ninkaani la sheegay in guriga uu ku dilay haweeneydaas kasoo amaahday saaxiibkiis waxa uuna guriga ku yaallay wadada Røstbakken ee jasiiradda Tromsø.

Gacankudhiiglahaas ayaa maxkamadda ka hor qirtay talaadadii inuu isagu gacantiisa ku dilay saaxiibtiis.

Gacankudhiiglahaasi la xukumay ayaa isagoo sheeganaya magaca Jimmy Mutabati magangelyo kasoo dalbaday Norway isagoo sheeganaya inuu ka yimid Dalka Koongo haseyeeshee waxa ay maxkmaddu ogaatay inuu u dhashay dalka Rwanda islamarkaasna uu aqoonsi been ah ku joogay wadanka muddo 8-sano ah.

Maxkmadda ayaa sidoo kale qof goobjooge ah oo saaxiib la aheyd haweeneyda dhimatay u xaqiijisay in xiriirkii ka dhexeeyey ninka Rwandeeska ah iyo gabdha uu aad u xumaaday islamarkaasna ay Linn dooneysay maalinta la dilayay inay u sheegto ninkaas in xiriirkoodii uu soo idlaaday waxa ayna marqaatigaasi intaasi ku dartay in ninkaasi ay ka shaki qabeen muddo saddax sano ah inuu dilo saaxiibtiis iyo iyadaba.

Haweeneydaasi tooreyda sida arxan darrada ah loogu dilay magaalada Tromsø 28-kii july 2016-kii ayaa kamid ah howlawadeennada xarunta lagu xanaaneeyo Dadka waaweyn ee Sør Tromsøyesykehjem ee magaalada Tromsø.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here