Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gebagebeeyay booqasho ay ku tageen dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti.
Wadahadallo dhex maray wafdiga iyo Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo horkacaya xubno isugu jira Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, waxaa la isku afgartay iskaashi hor leh oo dhex mara labada Dowladood ee walaalaha taas oo loo xilsaaray in Wasiirrada labada dhinac ay sii amba qaadaan mustaqbalka dhow.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa shalay lagu casuumay in uu hadal ka jeediyo Baarlamaanka Djibouti halkaas oo xubnaha Baarlamaanka iyo Guddoonkuba ay aad ugu soo dhoweeyeen.
Maanta Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisu waxaa ay ka qeyb galeen munaasabad taariikhi ah oo xarigga looga jaray dhismaha Dekedda Doraleh ee magaalada Djibouti.
Wafdiga Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Qorsheynta.

