Qaramada Midoobe oo Cambaareesay weerarkii Lagu qaaday Saldhig Malatari oo ku yaala Burundi

1

Xaalada dalka Burundi ayaa saakay dagan kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen shalay xarun Lagu Tababaro ciidamada oo ku Taalay dalka Burundi.,

Wali waxaa ka socda dalka Burundi baaritaano ay sameynayaan ciidamada dalkaaas si gacanta loogu soo dhigo Ragii ka dambeeyay weerarkii Lagu qaaday xarunta Tababarka ee caasimada dalka Burundi.

Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobe Banki Moon oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in qaramada Midoobe ay si kulul u cambaareynayso weerarkii Lagu qaaday Xarunta Lagu Tababaraayay ciidamada Malatariga dalka Burundi

Dhanka kale safiirka dalka Mareykanka u Fadhiya dalka Burundi Samantha Power  oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in dowlada wadanka Mareykan ay si kulul u cambaareynayso weerarkii Lagu qaaday xarunta ciidamada dalka Burundi, isgaoona sidoo kale sheegay in dowlada Mareykanka ay mar walba garab taagan Tahay dowlada wadanka Burundi,

Madaxda dalka Burundi ayaa ku eedeeyay kooxaha mucaaradka dalkaas ka Jira in ay ka dambeeyeen weerarkii Lagu qaaday Xarun Lagu Tababaro ciidamada uu ku Taalay dalka Burundi gaar ahaan caasimada dalkaas ee Bujumbura

 

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here