Ciidamda Xoogga dalka qeybta 12 April ayaa kusoo bandhigay Magaalada Muqdisho afar maleeshiyaad ah oo lagu soo qabtay howlgal ay ka sameeyeen Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Taliska 12 Abriil ayaa maleeshiyadaan ku sheegay kuwa geestay falal isugu jira kufsi, dhac iyo jirdil ay kula kacayeen dadka safarada ku mara Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe
Ugu Horeyntii Taliyaha Guudada 4aad ee ciidanka Xoogga Dalka Korneel Cabdulqaadir Nuur Xasan Qoondhe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maleeshiyaad ay mudo badan kusoo jireen howshaan dhaca.
Dhanka kale Taliyaha qeybta 12 Abriil ee ciidnaka Xoogga dalka Soomaliyeed Jeranaal Cabdulaahi Cismaan Cagey oo saxafadda la hadlay ayaa sheegay in la joogteyn doono howlgalka lagu ciribtirayo burcadda caadeysatay dhibaateeynta shacabka safraya tan iyo inta laga wada sifyeynayo, isagoo sheegay in si isku mid ah ula dagaalimi doonaan cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS iyo burcadka jidgooyooyina dhiganaya.




