Milkiilaha Maqaayada The Village Axmed Jaamac Maxamed oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa wax lag xumaaday ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay UN-ka ee ku aadan in shaqaalaheeda aysan ka cunteen Karin maqaayadiisa, sababo a xiriiro dhanka amaanka.
Axmed Jaamac Maxamed Milkiilaha Maqaayada The Village ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay Qaramada Midoobay uu yahay mid lagu diidan yahay in maqaayadiisa ay tartan la gasho maqaayadaha caalamka, wuxuuna hadalkiisa ku daray in dhowrkii bilood aynu soo dhaafnay uu dignoo kasoo gaarayeen Hay’adaha ka howlagal xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.
“Muddo badan ayaa digniino la isoo direy oo ku aadan in shaqaalaha Qaramada midoobay ee ka howlgala Xarunta Xalane iyo kuwa ka dhoofa ama kaso daga Garoonka in aysan ka canteen Karin Maqaayadda the Village, runtii tani waa mid dhibaato ku ah hormarka Ganacsi ee xiligaan dalka ka socda”, ayuu yiri Milkiilaha Maqaayada The Village Axmed Jaamac Maxamed.
Qaramada Midoobey ayaa uga digtay shaqaalaheeda in aysan isticmaalin ama ka cunteyn maqaayada The Village ee ku taala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Fariin loo kala diray shaqaalaha qaramada Midoobay ee ka Howlgala Garoonka Muqdisho ayaa looga digay illaa amar dambe in aysan maqaayadaas ka cunteyn karin, isla markaana aysan tagi karin xilliyada nasashada iyo fasaxa shaqada ku jiraan.
Xog uruurin dhinaca amniga oo ay sameyeen Guddi Amni ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo SMT ayaa lagu sheegay inay jiraan dul duleelo dhinaca ammaanka, sidaas darteed shaqaalaha loogu digay in ay adeegsadaan maqaayadda The Village.

