Maxkamadda Xarakada Al-shabaab oo Fulisay Xukuno

0

Maxkamad Xarakada Al-shabaab ee   ku taal Gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa fulisay xukun qisaas ah oo lagu fuliyay gacan ku dhiigle fal dil ah horay ugeystay.

Xukunka dilka ayaa lagu fuliyay wiil dhalinyaro ah oo horay qof shacab ah ugu dilay deegaan Hoos yimaad magaalada Galhareeri ee gobolka Galguduud.

Qaadiga Maxkamadda Al-shabaab ee  Galguduud ayaa xukunka ka akhriyay goob fagaara ah, eedaysanaha lasoo dacweeyay oo lagu magacaabi jiray Saciid Max’med Faarax ayay ku caddaatay in uu dilay Nin xoola dhaqata ah oo lagu magacaabi jiray Cilmi Max’med Sugulle.

Dhinaca kale isla maxkamadda Al-shabaab ee Galguduud ayaa xukun Xadu Zina ah ku fulisay laba qof dhalinyara ah oo  zino galay iyagoo heshiis ku ah.

Ubax Xassan Muuse oo 17 sana jir ah iyo Abshir Max’med Cumar oo 20 sana jir ah ayaa Maxkamadda horteeda ka qirtay in ay iska zineysteen iyagoo aan guur horay usoo marin sidaas daraadeed ayay Maxkamaddu ku xukuntay in mid walba lagu dhufto 100 Jeydal islamarkaana muddo sanada ah laga masaafuriyo deegaanka ay Zinada ku sameeyeen.

Balse Maxkamadda ayaa dib u dhigtay 100-ka Garbaash ee lagu xukumay Gabdha zinada gashay inta ay ka dhalayso maadaama ay leedahay Uur 6 bilood illaa iyo 7 bilood ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here