Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeyb Galaya Shirka Wadamada Islaamka iyo Mareykanka

0

Wafdi uu Hogaaminaayo madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa saakay u amba-baxay Magaalada Riyaad ee wadanka Sacuudi Arabia.

Madaxweynaha Soomaaliya oo si rasmi ah maanta ugu qeyb galaya shirka wadamada islaamka iyo mareykanka kaa oo ka furi doona magaalada Riyad ee dalka sacuudi arabiya ayaa la filayaa in madaxweynaha soomaaliya uu lakulmo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo gaaray caasimadda Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaasi  oo uu uga billaabmay safarkii ugu horreeyay ee uu dibadda ku tago tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Madaxweynaha soomaaliya  ayaa  la kulmi doono boqor Salmaan bin abdulaziz iyo madaxweynaha mareykanka oo arimaha soomaaliya halkaasi ay kaga wada hadli doonaan iyadoo la’filayo in ay kawada hadlaan arimaha xayiraada dadka Soomaalida ee laga mamnuucay dalka mareyknka in ay galaan  waxaana uu Axada beri ah madaxweynaha mareykanka  uu u  jeedin doonaa  qudbad dheer hogaamiyayaal ka socda in ka badan 40 dal oo Muslim ah.

Shirweynahaasi waxaa xoogga lagu saari doonaa dagaalka ka dhanka ah ururrada xagjirka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here