Wasiiro iyo Mas’uuliyiin Qiimo Dilay Passaport-ka Maamulka Somali-land+Dhageyso

0

Cabdikariim Axmed Mooge wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada qorsheynta Maamulka Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in Passport kii Somaliland ay qiimo dileen wasiirada iyo masuulyiinta xilalka xukuumada ka haya kuwaas oo uu sheegay in Passport dalal shisheeyey oo ay heystaan ay ku safraan  marka dalalka dibada ay u baxayaan halkii ay Passport ka Somaliland ay ugu bixi lahayeen.

“Madaxda  Soomali-land ee maanta xilalka haya ayaa diidan in la hormariyo Passport kii Somaliland, qiimihii uu lahaa ayaga  dilay, Somali-land waxaa mar walba ka go’an in ay sameysato Pasaport u gooni ah oo ka madax banaan kan Soomaliya,ragga maanta maamula Somali-land dibada waxay ugu safraan Pasaport kale oo dalal kale laga leeyahay”, ayuu yiri Cabdikariim Axmed Mooge.

Sidoo kale Cabdikariim Axmed Mooge wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada qorsheynta Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Dowladda imaaraadka Carabta oo dhawaan la wareegtay Dekadda Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil  in ay kasoo horjeedaan in Somali-land ay yeelato Passport u gooni ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here