Xeer ilaalinta maamulka Puntland ayaa maanta dacwad ku soo oogtay 18 nin oo ku eedaysan Burcadbadeednimo kuwaas oo lagu eedeeyay in ay isku dayeen in ay xeebaha Caluula ku qafaashaan Markab shidaal sida bishii March ee sanadkan.
Inkastoo kiiskaan uu ka dhacay gobolka Gardafu ayaa hadana Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax wuxuu sheegay inay maxkamada sare ee Puntland ogolaatay in lagu qaado maxkamada Garowe.
Sidoo kale Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa faray ciidanka amniga inay soo qabtaan dhammaan 18 eedeesane meel kasta oo ay ku sugan yihiin si waafaqsan nidaamka iyo sharciga Maamulka Puntland.

