Wararka ka imaanaya Degmada jala-laqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ee degmadaas ay xabsiga dhigeen odoyaal dhaqameed.
Odoyaasha xabsiga la dhigay ayaa la sheegay in ay kasoo qeyb galeen xaflad lagu caleemo saarayay suldaan Alshabaab taageersan, waxayna ka dhacday deegaan Al shabaab ay maamulaan oo u dhow degmada Jalalaqsi.
Suldaanka ka tirsan Xarakada Alshabaab ayaa waxay isku heyb yihiin odayaasha dhaqanka ee lagu xiray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaanala sheegayaa inay ka qeyb galeen caleemo saarkiisa oo shalay ka dhacay duleedka degmaas.
Xiriiro aynu la sameenay Maamulka Degmada Jala-laqsi inooma suurta galin in aan qadka Taleefanka ku helno.

