Madal ay Ku Mideysan Yihiin 88 Xildhibaan oo Loogu Dhawaaqay Magaalada Nairobi

0

Magalada  Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa loogu dhawaaqay Xalay  Madal ay ku mideysan yihiin 88 Xildhibaan oo ka kala Tirsan Golaha Shacabka iyo aqalka Sare,

Xildhibaanadaan ayaa dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay shirar ku lahaa Magaalada Nairobi,waxayna Gudoomiye u doorteen  Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig.

Madashan ayaa noqoneysa tii ugu ballaarneyd oo ay ku midoobaan Xildhibaano boqol ku dhow, kuwaasoo maalmahan kulamo siyaasadeed iyo olole ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ka waday Magaalada  Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/rashiid Maxamed Xidig haatana kamid ah Baarlamanka Soomaliya, ayaa loo arkaa inuu yahay nin galaangal iyo saameyn ku leh Baarlamaanka gudihiisa, isagoo ahaa ninkii Jawaari kula tartamay xilka Guddoonka Baarlamaanka doorashadii bishii Janaayo, inkastoo wareega horeba looga guuleystay.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in maalmaha soo socda la soo dhameystiri doono xubnaha Hoggaanka Madashan, oo noqon doona kuwo leh Gole Fulin iyo Gole dhexe, iyadoo maanta kaliya la doortay Xildhibaan C/rashiid Xidig.

Ujeedka loogu dhawaaqay Madashaan cusub ayaa lagu sheegay mid isla xisaabtan la sameynaysa Xukuumadda Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre,waxaana la aaminsan yahay in Madaxweynaha iyo raisulwasaare ay cadaadis kala kulmi karaan madashaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here