Akhriso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo Soo Saaray Amaro Culus

0

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed (Thabit Ab) ayaa Soo saaray  Amar Looga Mamnuucayo In Gawaarida La dhigto( Paking) Wadooyinka Kala Ah

1- Wadada Marka-Almukarama

2- Wadada Ka Baxda Km4 Ilaa Garoonka Aden Cade ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed (Thabit Ab)  ayaa Soo Saaray Amar Looga Mamnuucayo Maridda Gaadiidka Ciidanka AMISOM wadadada Makka- Almukarama Oo Ka Bilaabaneysa Isgooska Sayidka (Oto-Oto) Laga Bilaabo Saacadaha 6:00 Subaxnimo Ilaa 12:00 Habeenimo.

Talabadaan ayaa lagu sheegay mid sugayo amniga magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya , oo dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay marti galinaysay qaraxyo iyo dilal qorshaysan ay gaysanayaan kooxo hubeysan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here