Wararka ka imaanya Magaalada Boosaso ee Gobolka bari ayaa ku waramaya in Kooxo Hubeysan oo watay Bastoolado in caawa Magaaladaas y ku dileen mid kamid ahaa Ganacsatada Yar yar.
Ganacsatadaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Faarax waxaa dilkiisa ka dambeeyay raga Hubeysan oo la sheegay in wajiyadda ay soo Duubteen, islamarkaana ay rasaas kala dhaceen qeybaha sare ee jirkiisa taasi oo keentay in uu goobta ku geeriyoodo.
Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada amaanka Maamulka Puntland, ilaa haatan ma jirto shaqsiyaad loosoo qabtay dilka Ala ha u naxariistee cabdi Faarax oo kamid ahaa Ganacsatada Yar yaree Magaaladaas Boosaaso ee Gobolka bari.

