War Deg Deg:-Generaal Ka Tirsanaa DF oo Ku Dhintay Qarixii Maqaayadda Italina Coffee

0

Sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka banaadir ee Dowladda Soomaliya  Cabdi Fitaax Cumar Xalane qarixii galabta ka dhacay kasoo hor jeedka maqaayad lagu magacaabo Italian Caffe oo ku dhegan gurigii hore ee shaqaalaha oo ku dhow Ha’yada socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya waxaa ku dhintay General Abdi Bashir Aden oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.

Ala Ha u Naxariistee General Abdi Bashir Aden oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa la xaqiijiyay in uu kamid ahaa mas’uuliyiin fadhisay Afafka Hore ee maqaayadda Italian Coffee islamarkaana uu waxyeelay qaraxa gaariga.

Sidoo kale Ala Ha u Naxariistee General Abdi Bashir Aden oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa soo noqday Abaanduulihii Ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed ee qeyta 12-April, koonfurta dalka Soomaliya.

Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Italian Caffe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here