Hay’dda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaliya ayaa manta dib u howlgalisay xafiiska bixinta basaboorada ee Safaarada Soomaliya ay ku leedahay dalka Hindiya.
HSJ ayaa dhameystirtay dhamaan sarakiishii iyo qalabkii looga howlgali lahaa xafiiska bixinta basaboorada dalka Hindiya oo mudooyinkii dambe hakad ku jiray.
Ardayda Soomaliya ee wax ka barata Hindiya iyo muwadiniinta kale ee ku nool dalkaas ayaa loo diyaariyay xafiiskan in uu daboolo baahiyadooda dhanka basaboorka ah, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka iyoJinsiyadaha Dowladda Soomaliya.







