Akhriso:-Magacyadda Saraakiil Lagu Dilay Qaraxii Ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in deegaan kaabiga ku haaya magaalada Marka oo la yiraahdo Kabtan-laas  in qaraxa miino lagula eegtay Ciidamo Ka Tirsan kuwa Dowladda  Federaalka Soomaliya.

Qaraxa miino ayaa la sheegay in uu ka dhacay bar kontorool ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya  oo ku taala deegaanka Kabtan-laas islamarkaana ay ku dhinteen 4-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, saraakiisha ku dhintay weerarka waxaa kamid ah Col.Cali Haameey oo ahaa taliyihii ciidanka deegaanka Kabtanlaas iyo Col.Shiine Mahbad oo isna kamid ahaa saraakiisha melleteriga DF-ka ee Shabeelaha Hoose,iyo sarkaal kale.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here