Al-shabaab oo Beeniyay Hadal Dowladda Soomaliya Kasoo Baxay

0

Max’med Abu Osama balse magaciisa dhabta uu yahay Macalin Cismaan Cabdi Badil oo ah Gudoomiyaha Xarakada Al-shabaab ayaa beeniyay hadal kasoo baxay Dowladdda Soomaliya oo ku adanaa in lagu dilay  dagaalkii 5-tii bishaan ka dhacay deegaano ka Tirsan Gobolka Shabelaha Hoose.

Isagoo wareysi siinayay idaacadda Alfurqaan ayuu Gudoomiyaha  Xarakada Al Shabaab Ee Shabeelaha Hoose Sheekh Max’med Abu Osama wuxuu faah faahin dheeri ah ka bixiyay dagaalkii dhexmaray ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Xarakada Al-shaabab kaasi oo ka dhacay deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Abu Osama ayaa sheegay in weerarkii Daarusalaam uu banaanka soo dhigay waa siduu hadalka u dhigee guuldarada ciidamada Mareykanka, islamarkaana Ciidamada Al-shabaab aysan baneenin goobihii ay horey ugu sugnaayeen sida deeganada Biriire NO50 iyo deegaanka daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur dalka Soomaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Enjineer C/raxmaan Osmaan Yariisow ayaa shalay sheegay in dowladda Soomaliya ay qaarijisay Hoggaamiyahii Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Macalin Cismaan Cabdi Badil balse Al-shabaab dhexdooda loogu yaqaano Max’med Abu Osama.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here