Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Mamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle osoble ayaa Cismaan Maxamed Xaadoole u magacaabay guddoomiyaha Cusub ee degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
Gudoomiyaha Cusub ee Cismaan Xaadoole ayaa horey u soo noqday guddoomiyaha degmada Balcad iyadoo xilka laga qaaday guddoomiyaha degmada Balcad Maxamed Maxamuud Saney oo hayay xilkan illaa iyo sanadkii 2014.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Balcad ayaa hore u so noqday guddoomiyaha degmada Balcad waxaana xilka laga qaaday kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka degmada Balcad uu iskahorimaad ku dhex maray degmada Balcad ciidamo Boolis ah oo ku sii jeeday degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

