Abuu Muscab:-:-Mareykanka Askar Badan ayaa Loogu Dilay Weerarkii Gobolka Shabeelaha Hoose”,

0

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka dhanka Howlgalka ciidanka Xarakada Al Shabaab oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab  ayaa sheegay in Mareykanka loogu dilay askar badan weerarkii ay ku qaadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya balse ay qarinayaan .

Afhayeenka dhanka Howlgalka ciidanka Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowladda Soomaliya, AMISOM iyo kuwa Mareykan ay doonayaan in ay baabi’iyaan saldhigyadda Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha hoose balse ay ayaga guuldaro soo gaarto sida uu hadalka u dhigay.

“ilaah fadligisi nimankaas dhaq dhaqaaqooda si fiican baa loola socday waxay kusoo duuleen diyaarado, Al-shabaab  ayaa weerar kedis ah kala hortagay”ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab Afhayeenka dhanka Howlgalka ciidanka Shabaab.

Dowladda Mareykanka oo war soo saartay dhawaan ayay ku sheegtay in dagaalkii ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose uu ugu dhintay hal askari islamarkaana shabaab dhankooda loogu dilay 13-askari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here