Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa Goordhaweyd soo saaray Xeer Madaxwayne oo uu ku aqbalay xilka qaadistii Hantidhawrkii qaranka Soomaliya Soomaliya Dr Nuur Faarax jimcaale ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaliy ee xalay xilka ka qaadeen.
Madaxweynaha Soomliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa la sheegay in uu saxiixay warqada xil ka qaadista aheyd oo ay xalay soo saareen Golaha wasiiradda Xukuumadda Federalka Soomaliya .
Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaliya ayaa xalay ka qaaday Hantidhawrkii qaranka Soomaliya Soomaliya Dr Nuur Faarax jimcaale Sababta Xilka loogu qaaday Hantidhorka ayaa aheyd Dilkii ilaaladiisu ay u geysteen allaha unaxariistee Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Cabaas Cabdulaahi Shekh Siraaji oo Xalay lagu Toogtay Magaalada Muqdisho.

