Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waramaya in qarax gaari lagu soo xirey in goordhaweyd uu ka dhacay wadada Taleex ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in gaari uu ku xirnaa islamarkaana uu ku dhaacmay wadihii gaariga.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday mid kamid ah Madaxda Jaamacadda Horseed International University ee Magaalada Muqdisho.


