Akhriso:-Madaxda Dawlada ee in Amnigooda La Ilaaliyo U baahan Waa 500-Ruux

0

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaliyeed ayaa ka hadlay amni xumida daka ka jirta, iyo sida Dowladda Soomaliya iyadoo haysata Ciidamo Tiro badan aysan u sugi Karin amniga madaxda Dolwadda.

“Madaxda dawlada ee in amnigooda la ilaaliyo u baahan waa 500 oo isugu jira (Xildhibaan, Wakiil Aqal Sare, Wasiir, Gudoon Gobol, G.Degmo,Taliye Saldhig, Saraakiil sarsare ee ciidanka, Agaasime Guud iwm. Celceliska ciidanka ilaalo ay u baahan yihiin waa ugu yaraan waa 1000 askari”,

“Tiro intaas ku dhow oo ciidan ah ayey shirkadaha amniga gaarka ah haystaan kuwaasoo ilaaliya safaaradaha, hoteelada, shirkadaha waawayn ee ganacsiga, hay’adaha dawliga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay. Ma aha wax habeen iyo maalin lagu nidaamin karo hawlahaas ama lagu abuuri karo jawi nabadgelyo oo ay dadku aaminaan in aysan ciidan ilaaliya u baahan. Mana aha arrin falcelis iyo laab la kac wax looga qaban karo. Waxay u baahan tahay in lagu wajaho istaraatiijiyad amni oo wadata qorshe, sharci iyo go’aan. Waxaa la yiri Kunkii tilaabo kow ayey ka bilaabataa””,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here