Waalidiinta dhalay 20 gabdhood oo da’doodu u dhaxayso 15 sanno ilaa 20 sanno ayaa maalinkii afraad waxay gabdhahoodii ka dhexraadinayaan magaalada Hargeysa ka dib markii waqti habeenimo ah ay ciidamada RRU oo ay weheliyaan nimaan caddaani ahi ay kala baxeen dugsiga Daaru-rayxaan oo ku yaalla xaafadda Ibraahim Kood-buur ee Hargeysa halkaasi oo ay ugu jireen dhaqan-celin iyo in la baro diinta islaamka.
Waalidiinta oo hadlay warbaahinta Hargeysa ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha oo ay u gudbiyeen cabashadooda loo sheegay in gabadh ka mid ahayd 20-kan ay ka baxsatay dugsiga oo ahaa mid jiifleh/Boarding iyada wakiilada dalalka Scandanaviankau jooga Somaliland oo dhammaan gabdhan laga so celiyey u sheegtay in loogu gaysto tacadiyo/Abuse sidaasina wakiilada u jooga dalalkaasi oo askarta wata ay xaruntii u tageen una wateen gabdhihii iyada oo aan ilaa hadda la ogayn meel ay joogaan.
Waalidiinta mid ka mid ah ayaa sheegtay inay maqashay laba gabdhood oo ay dhashay laga dhoofiyey daraad madaarka Hargeysa iyada oo maanta 11 barqanimana laga dejiyey Dalka Denmark oo ay markii hore ka keentay.
Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Somali-land ayaa sheegay isna in arrintaasi jirto isaga oo intaasna ku daray in gabdhahani dhalashooyin kale ay sitaan oo faragelin ku yeelan karaan dalalkaasi noloshooda.

