Axmed Silaanyo:-“Yaanan La Boobin Xoolaha Ama Hantida Xilliga Kala-guurka”,

0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ee Caasimada maamulkaas ayaa Masuuliyiinta Xukuumaddiisa iyo laamaha kale uga digay, inay ku kacaan Xatooyada Xoolaha ama Hantida xilliga kala-guurka ah ee la galay awgii.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa sheegay in uu yahay Masuul Cimrigii ku caan-baxay Maamul-wanaag iyo nacaybka Xatooyada Xoolaha, waxa uu sidaa ku sheegay Kulan uu Xarunta Madaxtooyada kula yeeshay; Masuuliyiinta Xafiisyada kala ah; Hay’adda Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa, Hanti-dhawraha Guud, Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka, kuwaas oo uu faray inay Warbixin joogto ah soo siiyaan inta ka hadhay doorashada Madaxtooyada iyo kala-wareegga Maamulka doorashada

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here