Sida ay sheegayaan wararka waxaa xil qaadis lagu sameyay Taliyihii Saadka ee Ciidamada xoogga dalka Jen. C/llaahi Macalin Nuur.
Ilo ku dhow Madaxtooyadda Dowladda Soomaliya ayaa xaqiijiyay in Jen. C/llaahi Macalin Nuur oo xilkan muddo 7-sano hayay lagu bedelay Generaal Maxamed Xuseen Garabey oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaliya.
Jen. C/llaahi Macalin Nuur ayaa ka mid ahaa Saraakiisha ugu saameynta badnaa ee ciidamada, waxaa xilkan loo magacaabay xilligii dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.
Jen. C/llaahi Macalin Nuur ayaa la tilmaamaa inuu ahaa Sarkaalkii ugu waqtiga dheeraa ee aan marna saameyn ku yeelan is bedeladii lagu sameeyay Taliyeyaasha ciidamada lixdii sano ee u dambeysay.
Generaal Maxamed Xuseen Garabey ayaa ka mid ahaa Saraakishii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa uu door muhiim ka soo qaatay 20-kii sano dhismaha ciidanka xoogga dalka,waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha fara ku tiriska ee ka qeyb galay dagaalkii 1977 iyo dagaaladii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho, isagoo labo jeer ku dhaawacmay.

