Guddiga doorashada Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in maanta oo sabti ah Taariikhdana ay ku beegan tahay 29/4/2017-ka Xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas ay dhageysan doonaan waxqabadka Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.
Gudoomiyaha Guddiga doorashada Dowladda Goboleedka Galmudug Xildhibaanada Maxamed Xasan Geelle oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka galmudug ay soo gudbiyeen warqadaha codsiyadda, islamarkaana maanta la dhageysan doono axqabadkooda, maalinta barina ahna la dooran madaxweynaha Dowladdd Goboleedka Galmudug.
Sidoo kale Gudoomiyaha Guddiga doorashada Dowladda Goboleedka Galmudug Xildhibaanada Maxamed Xasan Geelle ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Dowladd Goboleedka Galmudug in ay ka fiirsadaan shaqsiga ay u dooran doonaan madaxweynaha Galmudug.

