Wada-hadalkii nabadeey ee u dhaxeeyay maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca ayaa fashil kusoo dhamaaday kadib markii wafdigii Ahlusuna Waljameeca ay soo bandhigeen sharuudo aan macquul aheyn.
Wasiirka dastuurka iyo Dib u heshiisiinta galmudug ahna Gudoomiyaha wada-hadalka dhanka Galmudug Cusmaan Dheere oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wada-hadalka uu burburay, wuxuuna tilmmay in dhanka Ahlusuna ay wax ka socon waayeen madaama ay soo bandhigeen sharuudo adag.
Wasiirka dastuurka iyo Dib u heshiisiinta galmudug ahna Gudoomiyaha wada-hadalka dhanka Galmudug Cusmaan Dheere ayaa tilmaamay in Galmudug ay ka go’need in guul laga gaaro wada-hadalka balse Ahlusuna ay soo bandhigeen sharuudo adag.
Wuxuu sidoo kale Wasiirka dastuurka iyo Dib u heshiisiinta galmudug ahna Gudoomiyaha wada-hadalka dhanka Galmudug Cusmaan Dheere in Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre uu isku dayay in la qanciyo Ahlusuna balse ay kasoo horjeysteen arintaas, galmudug-na ay gudatay waajibaadkii ka saarnaa wada-hadalka.
Ugu dambeytii Wasiirka dastuurka iyo Dib u heshiisiinta galmudug ahna Gudoomiyaha wada-hadalka dhanka Galmudug Cusmaan Dheere ayaa sheegay in 30-bishaan ay naga xigto 3-maalin oo qur ah kadib la qaban doono doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudg.



