Ilo Lagu kalsooonan karo oo la hadlay idaacadda Simba ayaa xaqiijiyay in Afhayeenkii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/casiis Cabdi Xaaji Goobdoon laga fariisiyay hawshii Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kadib markii lagu war galiyay inuu joojiyo hawshii uu u hayay Qaranka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay amar ka soo baxay in shaqada looga fariisiyay Afhayeenkaasi, Wasiiru Dawlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha C/laahi Xaamud ayaa ku soo war galiyay Afhayeenkaasi in la hakiyay hawshii uu ku magacawnaa mudooyinkii dambe.
Sidoo kale Ilo ku dhaw dhaw xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xilka laga qaadi doono C/casiis Goobdoon oo haatan shaqo ka fariisin ku maqan.
Afhayeenkii Xukuumada ee imnika shaqada laga saarey ayaa maalmihii la soo dhaafey waxaa shaqadiisa la wareegay Wasiirka Warfaafinta oo la arkayay isaga oo qabanaya hawshii uu u xil saarnaa Afhayeenkaasi, Eng. Yariisow ayaa shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada ka warbixinayay.

