Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa feejignaan dheeri ah galay kadib markii uu dagaal ka dhex qarxay Al shabaab dhexdooda gaar ahaan qeybta ku suagn koofurta Soomaaliya waxaana dagaalkaasi qeyb ka ahaa dagaalyahano kenyati ahaa oo dalkaasi kaga soo biiray dhanka Xarakada Al shabaab.
Qaar kamid ah hogaamiyayaasha Xarakada Al shabaab ayaa doonaya in ay ka sii mid ahaan ururka Al-Qacida halka hogaamiyayaal kale oo isla Al shabaab ka tirsan ay doonayaan in ay xulafo la’noqdaan ururka lamagac baxay qilaafada Islaamka ee xaruntoodu tahay dalka Syria qaarna ay doonayaa in ay kusoo jiraan Al-shabaab.
Dagaalka ayaa dhacay 15 April 2017 kadib markii al shabaab ay toogteen sheikh saciid Bulbul iyo Cabdul-Karim oo doonayay in ay ku biiraan dagaalyahanada IS.

