DF oo Lagu Eedeeyay in Aysan Diyaar u Aheyn Wax Ka Qabashada Tacadiyadda AMISOM+Dhageyso

0

Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble oo kamid ah imaamyada Soomaliyeed ayaa ku eedeeyay Dowladda federaalka Soomaliya in aysan u diyaar u aheyn wax qabashada tacadiyadda Ciidamada AMISOM u geystaan Shacabka Soomaliyeed.

Isagoo la hadlayay idaacadda Simba Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble oo kamid ah imaamyada Soomaliyeed ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Dowladda Soomaliyeed oo wakiil ka ah Shacabka Soomaliyeed in aysan ka hadlin dhibaatooyinka Ciidamada AMISOM waqti walba u geystaan Shacabka Soomaliyeed.

Waxa uu sheegay imaanka in Dowladda Soomaliyeed ee uu Hogaamiyo Maxamed C/laahi maxamed(Farmaajo) loogu baahan yahay in ay arintaan wax ka qabto islamarkaana Ciidamada AMISOM kula xisaabtanto Dhibatooyinka ay u geystaan Shacabka Soomaliyeed.

Shalay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Garoonka Stadium Muqdisho ayaa is hor istaag ku sameeyay Wasiiro ku Tirsan Xukuumadda Soomaliya iyo Madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta Qaaradda Afrika oo doonayay in ay gudaha u galaan Garoonka, inkastoo markii dambe ay u ogaalaadeen.

Horey waxa ay si bareer ah ugu dileen Shacab Soomaliyeed Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaliya

120101_010

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here