Qeybtii koowaad ee warbixintan waxaynu ku soo qaadanay xiriirka diblamaasiyadeed ee dhexmaray labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxaynu soo tibaaxnay in siyaasada arimaha dibada ee Soomaaliya ay uga digo rogatay in ay dhex ka ahaato loolanka quwadaha dunida (non-alignment policy) taasna uu Madaxweyne siyaad barre u xaqiijiyay Bishii Janaanyo 9-kedii Sannadkii 1976-kii Madaxweynihii Mareykanka.
Dawladdii Kacaanka ee Soomaaliya maamulaysay waxay qaadatay Hanti wadaag, waxayna xulufo la gashay midowga soofiyeeti taas oo ay taageero ciidan iyo saanado ciidan oo faro badan kaga heshay Midowga Soofiyeeti ee Ruushka wakhtigaas waxa la isla ogal yahay in dawladda Soomaaliya ay ka ciidan iyo qalab fiicanayd waddanka Itoobiya oo Mareykanku taageeri jiray.
Siyaasiiyinta iyo diblamaasiyiinta Soomalidu iyga oo taas og ayaa kulankana qarsoodiga ah kaga qayb galeen, sida la qiyaasi karo ama ay tibaaxayaan wararka sirdoonka Midowga Soofiyeeti ee Ruushka (KGP), ayaa hoteelka dagan ama jooga Sidaas darteed dawladda Maraykanka oo utuno siyaasadeed oo badan ka tirsanaysay Dawladda Soomaaliya ayaa heshay fursada ah in taageero laga dalbaday iyada oo og in raadadka Hanti wadaagi uu sal ku leeyahay siyaasada dawladda kacaanka ah ee Soomaaliya, waxa kale oo xusid mudan in wali dawladda Mareykanka ay tabayso in aan si wacan looga qancin dilkii Madaxweynihii Soomaaliya Allaha u naxariistee Muddane Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Waftiga dawladda Soomaaliya ee kulankan ka qayb galaya waxa la gudboonayd in ay kulanka u isticmaalaan in ay ogaadaan mowqifka Mareykanka uu ka taagan yahay qadiyada xoraynta Soomaalida Itoobiya Gumaysato, taas oo kulanka si fiican ugu cad. Waxa kale oo kulanka ka muuqda in dawladda Mareykanku ay u aragto in aanu kulanka jooginba cidii u dhigimi lahayd ama taladu ka go’ayso, waayo waxa kulanka ka maqan Wasiirkii Arimaha dibada Soomaliya oo xil ahaan u dhigma xoghayhii arimaha dibada Mareykanka Henry Kissinger, waftiga Soomaaliya waxaa hogaaminayay ku sime wasiir, taas oo markiiba uu Kissinger su’aal galiyay waxa looga jeedo “Ku sime”, taasi waxay kulankii ka dhigtay baa la oran karaa, marka aad u kuurgasho nuxurka doodda Kissinger, in uu su’aalo waydiiyo uun Siyaasiyiinta Soomaalida si uu u ogaado halka ay taagtahay soomaalidu.
Haddaba aynu dhugano ama eegno siduu u dhacay wada sheekaysigani kulanku, faalo kooban oo xarfaha italic ah ayaa wehilasa su’aalaha ay is dhaafsanayaa Kissinger iyo Qaasim.
Waxa kulanka hadalka bilaabay Xoghayaha Arimaha dibada Maraykanka, Henry Kissinger, waxaana uu waydiiyay Wasiir Xuseen Cabdiqadir Qaasim su’aal la xiriirta xilkiisa;
Kissinger: Maxaa looga jeedaa Sii hayaha Wasiirka Arimaha dibada (Acting foreign Minister)?
Qaasim: Anigu waxa aan ahay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, laakiin waxaan dawladda Soomaaliya u matalaa shirar badan oo caalami ah.
Danjire Cabdulaahi Axmed Caddow oo ahaa Safiirka Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya wakhtigaas, xiriir dhawna la leh Kissinger ayaa hadalka qaatay oo faalo kooban ka bixiyay sababta uu shaqadan u qabanayo Wasiir qaasim.
Caddow: Wasiirku waa qofka (Muddane Qaasim) sida xaqiiqda ah u qabta shaqada wasiirka arimaha dibada, (De facto foreign Mistier).
Kissinger: Intee in le’eg ayaad joogtay magaalada Newyork?
Qaasim: Waxaan joogay in ka badan laba usbuuc ama todobaad, maalmo ka dibse waxaan qorshaynayaa in aan dalkii dib ugu laabto, laakiin waa laga yaabaa in aanan toos u tagin ee aan meelo ku sii hakado.
Kissinger: waxaan u malaynayaa in aad mar hore qorshaysay in aad meelo kale sii marto.
Qaasim: waxa aan isku dayayaa in aan danta waddankayga hooyo ka shaqeeyo, sameeyana wax kasta oo dani noogu jirto.
Kissinger: idinka oo waddan iska dhexe ah (Medium-sized country) waxa aad isku dayaysaan in aad samaysaan waxbadan oo laydinku hadal hayo.
(Kissinger waxa uu ka wadaa saamaynta siyaasada Soomaaliya ku leedahay Qaramada Midoobay marka doodaha la isagu yimaado taas oo dawladda Soomaaliya ay ajande kasta kaga soo horjeedo dawladda Mareykanka, sidoo kale waxa uu Kissinger daba socdaa saamaynta siyaasada Soomaaliya ku leedahay guud ahaan Afrika gaar ahaa Geeska Afrika, wakhtiga kulanku dhacay Dawladda Soomaaliya ayaa haysa Gudoonka Midowga Afrika, waxayna si joogta ah ugu hadashaa xorimo doonka Dalka Angola oo wakhtigaas gumaysi ku hoos jirtay iyo dalal kale oo Afrika ah oo aan xor aheyn.
Qaasim: dhamaanteed waxa ay ku xiran tahay kolba xaga dabayshu u dhacayso, anaga ayaa ah mar cida warka saamaynta leh samaysa ama dawladdaha kale ayaa abuura xaalad nagu qasabta in aan ka fal celino warkaas.
Kissinger: miyaanay ahayn in aad anaga na aragtaan marka aan isku dayayno in aan wararka dunida samaynayno? (waxa uu uga jeedaa in siyaasada afrika ay talo ka waydiiyaan Mareykanka ama ay tixgaliyaan ka dawladda ahaan doorkooda quwad ahaan)
Markale ayuu Danjire Cabdulaahi Axmed Caddow soo kala dhex galay si uu qaboojiyo hadalka taagtaagmay, isaga oo dhanka wasiirkiisa la safan ayuu yiri;
Caddow: idinka saxaafada caalamka ayaa si dhaw idiinla socota, sidaas ayaa warkiinu saamayn badan dunida ugu yeesha ama aad warkaba ku jaangoysaan.
Kissinger: waa maxay xaalada xiriirka labadeena dal? (Kissinger waxa uu isku dayayaa inuu ogaado mawqifka siyaasada Soomaaliya in waxa isbadal ahi ka jiro ama ugu yaraan halka ay taagan yihiin siyaasiinta Soomaalida ee hor fadhiyaa)
Qaasim: waxaan jeclaan lahaa in aan halkaas faalo ka bixiyo, waxaan rumaysanahay inuu jiro meelo badan oo xiriirkeena laga wanaajin karo (Room for improvement). (Xiriirka uu dalbanayaa waa in Mareykanku taageero qadiyada dawladda soomaaliya ugu raad joogto in Itoobiya ay xornimo siiso kuna soo celiso dawladda Soomaaliya dhulka Soomaali galbeed ee Itoobiya gumaysato maadaama uu gumaysi hoos geeyay haddana uu dhamaaday gumaysigii)
Kissinger: Taas waan kugu raacsanay.
Qalinkii: Cabdiqani Maxamed Cige

