Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfur dalka Soomaliya ayaa ku waramaya in diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay duqeeyeen Saqdii Dhexe ee Xalay Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin tuuladda ragud oo u dhow Deegaanka Ceel-cadde.
Ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in dhowr gantaal oo laga tuuray Diyaaradaha Dagaalka Dowladdda Kenya in ay ku dhaceen Saldhiga Dagaalyahanada Xarakada Al-shabab ay ku leeyihiin tuuladda ragud oo u dhow Deegaanka Ceel-cadde Gobolka Gedo ee Koonfur dalka Soomaliya.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay duqeynta lala beegsaday Saldhiga Al-shabaab y ku leeyihiin Deegaanka ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
Dowladda Kenya ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay kordhisay dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab, waxayna Todobaadkii hore ay sheegtay in weerar qorshaysan lagu dilay 15-askari oo ka Tirsana Al-shabaab.

