War Deg Deg:- Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa galabta Xaafadda Laba Dhagax ee Degmada Warta-nabada waxa ay ku dileen mid kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kasoo dooratay Magaalada Cadaado ee Gobolka gaduud.

Ala Ha u Naxariistee Shire Jimcaale (Dongaale) oo kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kasoo dooratay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa la toogtay isagoo ku sugnaa Xaafadda Laba dhagax ee Degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir.

Mid kamid aha dadkii ka dhawaa halka uu dilka ka dhacay ayaa idaacadda Simba u xaqiijiyay In ragga hubeysan ay dhowr xabadood ku dhufteen Nabadoonka islamarkaana ay goobta ka baxsadeen dilka kadib.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo goobta ka sameeyay baaritaan lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka Shire Jimcaale (Dongaale) oo kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kasoo dooratay Magaalada Cadaado ee Gobolka gaduud.

Al-shabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay beegsi ku hayay ergooyinka soo Xulay Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here