Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Ciidamada Nabad Sugida Maamulkaas ay si Xoog ah kusoo furteen 9-nin oo ajnabi ah oo u dhalatay dalka Hindiya oo afduub ahaan ugu heysteen kooxaha burcad badeed Soomalida deegaanka Ceel-huur.
Ciidamada Galmudug gaar ahaan kuwa Nabad Sugida iyo Kooxaha Burcad Badeeda Soomalida ayaa habeenkii xalay ahaa isku Habeenaystay waxayna kooxaha Burcad badeed Soomalida ay doonayeen in ay deegaanka ka baxaan islamarkaana ay sii wataan ragga ay afduubka ay u heysteen oo Lacag Madax Furasho ay ka rabeen.
Howlgalka Lagu soo furtay ajaanibta ayaa ka dhacay Tuuladda waa Qararow oo u dhow deegaanka Ceel-buur Gobolka Mudug, waxaan jira ajaanib kale oo lagu haysto deegaankaas oo u dhalatay dalka Iiraan waxayna tira ahaan ay gaaraan 11-ruux, muddo 3-sano ayaa halkaas lagu heystaa.

