Akhriso Warbixin:-Aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa cududda uu ku faano dalkeena waxaana la aas-aasay 12-kii Aprill sanadkii 1960-kii.

Waqtigaasi waxaa taliye looga dhigay Gaashaanle sare Daauud Cabduule Xirsi, halka abaanduule looga dhigay G/sare Max’ed Siyaad Barre.

C/X/D/S waxaa lagu aas-aasay Saraakiil, Saraakiil xigeeno, dableey laga soo wareejiyey ciidanka booliiska soomaaliyeed iyo 2000 oo askar horleh ah oo xiligaasi tababar la siiyey.

Taariikhda Faca weyn ee Ciidamada Xoogga Dalka waa mid caalamka oo idil laga wada og yahay maadaama Xiligii dowladii dhexe ee dalka ee uu hogaaminaye Gerenal Max’ed Siyaad Barre ay galeen dagaalo saameyntooda soo jiitay indhaha caalamka.

Ciidamada Xoogga waa cududa qaabilsan la dagaalanka wadamada dariska la ah Soomaaliya sida:- Ethiopia iyo Kenya xiliyada ay kusoo xad gudbaan Ciida Soomaaliya.

Sanad waliba 12-ka April waxaa soomaaliya ka dhacdo munaasabado lagu maamuusayo arintaasi oo waxa ay noqotay munaasabaddaani sanad guurooyin fara ku tiris ah oo wali la xasuusto.

Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa nooga xog waramay munaasabaddaani qiimaha weyn u leh Bulsho weynta Soomaaliyeed iyo waqtigii barisamaadka Sidii looga dareemi jiray Dalka.

Inta ay socoto munaasabaddaani ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka hadlaan madax katirsan dowladda Soomaaliya kuwaa oo ka hadli doono marxaladihii ugu dambeeyey oo ay ciidamo soo mareen.

Taariikhda Faca weyn munaasabadda C/X/D/S ee 12-ka April ayaa ah mid aanan warbixin kaliya lagu soo koobi Karin sababtoo ah waxa ay tahay taariikh aad u dheer oo Xaflado kala duwan loo qaban jiray isla mar ahaantaana ay ka qeyb gali jireen mas’uuliyiinta xiligaasi dalka xukunto.

Sanadkaani waxaa kusoo kordhay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed:- Dib u hagaajinta iyo waliba dib u furista Isbitaalka Xoogga oo ciidamada Xoogga Dalka Gaar ah, Tababarada Ciidamada Xoogga oo gudaha dalka loosoo raray iyagoona mudooyinkii dambe dalka dibaddiisa ay tababarada kusoo qaadan jireen iyo Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya oo laga dhex raray fariisimihii ay kaga sugnaayeen kadib markii Wazaaradda arimaha gudaha iyo maamulka G/Banaadir ay sheegeen in Ciidamo booliis iyo nabad sugidd isugu jiro lagu wareejiyey.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa iminka magaca la wadaago ciidamada Xoogga dalka qeybtooda Naafada ah oo xubnahooda qaaliga ah ku waayeen dagaaladii dowladii Militariga aheyd ee Max’ed Siyaad Barre ay la galeen dowladda Ethiopia.

Waxa ay ku xareysan yihiin Ciidamadaasi Isbitaalka Martiini oo waxaaba dhacda in xiliyada qaar ay ka cawdaan xubno dowladda Federaalka Soomaaliya katirsan meeshii ay kaga sugayeen in ay u qadariyaan howlahii ay qabteen balse loogu badalay in laga raro isbitaalkii ay gabaadsanayeen shan iyo labaatankii sano colaadaha lagu daray sanado kale oo lagu daweynaye isbitaalkaasi.

Qaradin ceynkee ah ayeey lahaayeen ciidamada Xoogga Dalka xiligii dowladdii dhexe ee dalka ka arimineysay? Su’aashaasi waxaan hordhigay Cabdi Mahad Cali oo kamid ah C/X/D/S/ kuwoodii ku naafoobay dagaalii 1977-kii dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia.

C/X/D/S/ Dhibaatooyinka ugu balaaran oo ay ka cawdaan waxaa kamid ah:- Mushaaraadkooda oo aysan u helin si toos ah ama bil waliba sida ay sheegeen saraakiil katirsan C/X/D/S/, Saanadda Militari oo ay ku howl galaan oo ah kuwa aanan daboolin baahidooda iyo in ay ka mushaaraad badan yihiin Ciidamada AMISOM balse ay ka shaqo badan yihiin.

Cabdi Mahad ayaa sheegaya in aysan daryeer wanaagsan ka helin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya isaga oo xiligaasi ka hadlaye askari sheegay in uu ka dhaawacmay C/X/D/S kuwooda ka howl gala Jubooyinka iyo Gedo balse daryeel la’aan ka tirsanaye dowladda.

Dhaliilaha dad weynaha ee loo jeediyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa kamid ah:- in meelaha qaarkood lagu arko iyagoo lacago ka qaadayo gawaaridda dad weynaha iyo Bixinta Darajooyinka Ciidamada oo la sheego in ay xiliyada qaar dowladdu bixiso darajooyin ciidan oo xad dhaaf ah.
Gunaanadkii waxaan kusoo koobayaa oraah ah Apiileey apriil ma tahay? Waa su’aal u furan ruux waliba!

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here