Dagaal kooban oo u dhaxeeyay ciidamada Emiraadku tababaray iyo Nabad suggidda Soomaliya ayaa xalay ka dhacay agagaarka xiro Ciidan oo Emiraadku tabar ugu fidiyo Askarta Soomalidda oo ku taala isbtaalka Xoogga ee degmada Hodan ee Gobolka banaadir.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu kakacay gacan ka hadal 2 askari oo labada ciidan ka tirsan ku dhexmaray goob kontorool oo ay ciidamada Imaraadku tababaro ku leeyihiin afka hore ee isbataalka xoogga ee Degmadda Hodon.
Saraakiisha aminga Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa gaaray markii dambe goobta uu ka dhacay dagaalka waxa ayna ugu dambeyntii ay ku guuleysteen in ay qaboojiyaan dagaalka, askartii meesha ku dhaawacantay ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

