Gar-gaar Loo Qeybiyay Qoysas Barakacayaal ah oo Ku Sugan D/Heliwaa+Sawirro

0

Maamulka Degmada Heliwaa oo kaa shanaya Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Banaadir ayaa waxa ay maanta deeq raashin ah u qeybiyeen Qoysas barakacayaal ah oo ku sugan Waaxda Ceel Carfiid ee degmada Heliwaa.

Qoysaska maanta raashiinka loo qeybiyay ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa ku dhawaad 200 oo qoys waxaana loo qeybiyay deeq isugu jirta bariis, saliid, timir iyo raashin bisil.

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Md. Abdulhakiim Omar Abdulle oo goobta raashinka lagu qeybinaayay ka hadlay ayaa waxa uu Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyay jawaabta deg dega ah ee ay ka bixiyeen xaalada nololeed ee heysato dadka barakacayaasha ee ku sugan degmada Heliwaa, waxa uuna ugu baaqay in ay laba laabaan dadaalada ay ku samata bixinayaan dadka tabaaleysan ee ku sugan degmada heliwaa, si loola tacaalo xaaladooda nololeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here