War Deg Deg:-Al-shabaab oo La Wareegay Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud

0

Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa dib ula wareegay Muddo 3-sano kadib Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud oo barqanimadii maanta ay isaga baxeyn Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud,waxayna dadka deegaanka ay ku wargaliyeen in ay xaaladda dajiyaan islamarkaana aysan ka barakicin Degmada.

Ciidamada Ethopia ee Degmada isaga baxay ayaa saakay sameeyay Howlgalo lagu xaqiijinayay amniga waxayna ugu dambeebeen ay faarujiyeen Degmada,waxaana jirey dad badan oo Degmada isaga barakacay saakay aroortii.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here