Faah-faahin:-Qaraxyo Xoogan Ka Dhacay Duleedka Degmada Afgooye

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya In kolonyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM in saacadihii aynu soo dhaafay qaraxyo halkaas lagu eegtay.

Qaraxyadda ayaa ka dhacay duleedka Degmada Afgooye gaar ahaan Deegaanka Caddoow Dibile ee duleedka degmadaas,waxaana xiligaas halkaas marayay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Dad ku sugan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in qaraxa koowaad ciidamada AMISOM looga gubay gaari gaashaaman halka qaraxa labaad oo ka dhacay deegaanka No.50.

AMISOM looguma baranin in ay ka hadlaan qaraxyadda lagula eegto Gobolka Shabeelaha Hoose,lamana oga qasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamada AMISOM ee ku socdaalayay duleedka deegaankaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here