Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah loo gudbiyo Jadwalka doorashada Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug, oo xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas ay isku raaceen in dorashada la qabto 10-ka bisha April.
Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta uu qorshaha yahay in Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug loo gudbiyo jadwalka doorashada, iyo sida ay u dhacayso doorashada.
Waxa uu sidoo kale sheegay Xildhibaanka ka Tirsan Baarlamanka Galmudug ahna xubin ka Tirsan Guddiga doorashada in ay wax walba uu ku saabsan doorashada ay u gudbin doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug si doorashada ay waqtigeeda ugu dhacdo.

