Ahlusuna:-Ka Hor Doorashada Galmudug Hala Qabto Shir Dib u Heshiisiin”+Dhageyso

0

Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa ku baaqay in aan lagu deg degin doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, islamarkaana ka hor doorashada la qabto shir dib u heshiisiin oo la iskugu keenayo bulshada ku nool Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlusuna C/laahi Xirsi Diirshe Pro Daacad oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku taliyay in aan lagu deg degin doorashada Madaxweynaha Galmudug, sidaas darteed aan la qaadin talaabadii horey loo qaaday oo keentay in Ahlusun ay maamul gooni ah ay sameysato.

“Ahlusuna Waljameeca waxa ay kamid tahay Umadda Soomaliyeed, meel kasta ha joogaan waxa wax lagu dhisayo waa rabitaanka umadda Soomaliyeed, shaqsiyaad gaar ah looma adeegayo waxaan ku baaqayaa in laga shaqeeyo rabitaanka dadka Gobolada Dhexe”, ayuu yiri Madaxwene ku xigeenka Ahlusuna.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Ahlusuna C/laahi Xirsi Diirshe Pro Daacad ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Dowladda Dhexe ee Soomaliya, islamarkaana ay mar walba walba garab taagan yihiin Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here