Sarkaal Ka Tirsan Dagaalyahanada Daacish oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay 3-nin oo lagu eedeeyay in ay ka Tirsan Yihiin kooxda alqaacidda xiriirka la leh ee Daacish islamarkaana kamid ahaa liiska dad sanadihii dambe la doon doonayay.

Ali Hussein Ali oo la sheegay in uu yahay Sarkaal Daacish ah iyo rag kale ayaa laga soo qabtay Magaalada Xeebeedka Milinda kadib markii ay halkaas Howlgal ay ka sameeyeen Ciidamada amaanka dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Ali Hussein Ali in uu Ururka Daacish u qaabilsanaa qorista dagaalyahanada u dagaalama islamarkaana dhowr dhalinyaro uu soo diray wadamada Soomaliya iyo dalka Liibiya ee qaaradda afrika.

War kooban oo kasoo baxay taliska Booliska dalka Kenya ayaa lagu sheegay in lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo Ali Hussein Ali, oo Daacish u qaabilsanaa qorista dagaalyahanada islamarkaana dagaalyahano badan u diray dalka Liibiya,waxaa sidoo lagu eedeeyay in uu lacago u kala gudbin jirey dagaalyahanada ka dagaalama qaaradda Afrika.

Ibraahim Aba Shiek Muqtaar iyo Abdi Maxamed Aka dader ayaa lala qabtay Ali Hussein Ali sida ay xaqiijiyeen Ciidamada Booliska dalka Kenya, waxayna sheegeen in madaxiisa lacago badan ay dulyaaleen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here