Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (jawaari) oo ka qeyb galay shir loogu hadlayay qancinta beelaha la heyb soocay ama la xumeeyay ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in ay Madaxda dowladda la xisaabtamaan.
Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in shacabka Soomaliyeed ay wax badan isku qaldayaan islamarkaana ayaga loogu baahan yahay In ay la xisaabtamaan Madaxda Dowladda Soomaliya madaama ayaga loo adeego.
“Dadka qaar waxa ay leeyihiin Madaxda Dowladda Soomaliya waxaan ugu fadhinaa wax qabad, madaxda dowladda ma ahan sareeye Hoose, waa adeegayaasha shacabka, shacabka Soomaliyeed ayagaa loogu baahan yahay in ay madaxda dowladda Soomaliya la xisaabtaam”, ayuu yiri Gudoomiye Pro Jawaari.

