Senator Aqalka Sare oo Sheegay in Haatan aysan Muuqaan Dhaliilo Lagu Celiyo Wasiirada+Dhageyso

0

Xildhibaan Xuseen Sheikh Maxamed oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo u waramay Idaacada Simba ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ansixiyaan Golaha Wasiirada ee dhawaan uu soo Magacaabay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre kuwaas oo muran badan uu ka taagan yahay qaabka awood qeybsiga beelaha ee loo maray soo Xulidooda.

Xuseen Sheikh Maxamed ayaa Sheegay in dalku uu Wajahayo Xaalad adag taas oo u baahan ay garwaaqsadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayna meel mariyaan Xukumada is loogu gudbo wajiga xiga oo ah in loo Gurmad dadka Abaartu ay ku Habsatay.

Ansixinta Golaha wasiiradda Cusub ee Xukuumadda Soomaliya waxaa dhawaan diidmo ka keenay 105 Xildhibaan, oo soo jeediyay in Ra’iisal Wasaaruhu uu wax ka bedelo magacaabista Golihiisa Wasiirada, iyagoo ku doodaya inaanu magacaabistoodu ku salaynin hannaanka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here