Hay’ada qaramada midoobay u qaabbilsan dhalaanka iyo caruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ugu yaraan 22 million oo caruur ah oo ku kala nool afar dal oo dagaalo iyo abaaro baahsan ay kajiraan kuwaa oo soomaaliya ay kamid tahay in caruurtooda xaalado adag ay ku jiraan,UNICEF ayaa tilmaamtay in ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan dhibaatooyin ka dhashay abaaraha dalalkooda ku dhuftay.
Hay’adda UNICEF ayaa ka codsatay in la’sameeyo gargaar dhan ugu yaraan %50 si loo samatabixiyo caruurta dalalkaasi ku nool.
Dalalka ay hay’addu xustay ayaa kala ah Somalia, waqooyiga Nigeria, Sudan iyo waliba dalka Yeman oo 1.4 milllion oo caruur ah xaalkuudu uu yahay mid u baahan in si deg-deg ah wax loogu qabto iyadoo tibaaxday in sanadkaan gudahiisa kala bar caruurtaasi in ay u nugu yihiin dhimashada xalaha ay la’taala dhacayaan.
Hadal ka soobaxay UNICEF ayeey ku sheegtay in looo baahanyahay imika lacag dhan 225 million oo dollar si caruurta ay u helaan nafaqo, cunooyin,biyo, caafimaad iyo waliba waxbarasho.
“caruurta ma’sugi karaan baahi sii waarta ka hor inta aan lagu dhawaaqin xaalado ma’siibo ah” sidaasi waxaa yiri madaxda gargaarka deg-dega ah ee UNICEF Manuel Fontaine,
Waxaana sidoo kale uu sheegay in cashiro laga bartay abaartii 2011-kii ku dhufatay gudaha dalka soomaaliya oo tiro caruur ah ay ku dhinteen.

