Raisulwasaaraha oo Ku Qaldanaa in Wasiiradda uu Kasoo dhex Xulo Xildhibaanada+Dhageyso

0

Siyaasiga C/qaadir sheikh Ismaaciil oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaliyeed ayaa sheegay in Raisal wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ay ku qaldameen Golaha wasiirada laga soo dhex xulo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

C/qaadir sheikh Ismaaciil ayaa tilmaamay in dibka ugu weyn ee xiligaan taagan uu Yahay In Golaha wasiradda Xukuumadda Soomaliya laga soo dhax xulo Baarlamaanka Federaaalka Soomaliya, islamarkaana ay Xildhibaanada wasiiro la dhigay ay maanta hor boodayaan Mooshinka la doonayo in dib loogu celiyo Raisulwasaaraha Golihiisa wasiirada uu dhawaan magacaabay.

“Aniga waxaan u malaynayaa gafka ugu weyn ee xiligaan uu galay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya uu yahay in Xildhibaano tiradii ugu badneed in uu kusoo daray Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaliya, runtii waxaa kula Talin lahaa Raisulwasaaraha in uu Golihiisa wasiirada uu kala yimaado dhanka dibada islamarkaana uu ka weecdo in kasoo dhex xulo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya”, ayuu yiri Siyaasi C/qaadir sheikh Ismaaciil .

Xukuumada cusub waxaa inta badan laga soo dhax xulay Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Xildhibaanada kamidka noqday golaha Wasiirada cusub tiradooda ay gaareysaa 41-Xildhibaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here