Nin 60-sano Jir ahaa oo Isku daldalay Degmada Dharkinley+Dhageyso

0

Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir waxaa maanta lagu arkay meydka Nin Oday ahaa oo kamid ahaa dadka deegaanka oo is daldalay.

Qof kamid ah dadka deegaanka Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir oo magaciisa aan shaacin ayaa idaacadda Simba u xaqiijiyay in meydka nin odey
ahaa oo da’diisa lagu qiyaasay 60-sano jir in lagu arkay gudaha degmadaas isagoo kasoo raacraaca Geed.

Waxa la xaqiijiyay in odeyga is daldalay uu mudooyinkii dambe ahaa nin ganacsade ahaa islamarkaana uu gadayay Muus, balse dadka degmada Dharkinleey Ee Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in Maxkaxda loogu jiray ninkaan.

Dhacdooyinka noocaan oo kala ah ayaa kusoo badanayay mudooyinkii dambe gudaha dalka Soomaliya,waxaa loo aaneeyaa inta badan in dadka marka ay xoolo beelaan ay door bidaan in ay isdaldalaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here