Muuse Biixi :-“Saldhiga Milatari Ee Berbera Waxaa Loo Saxiixay Dan Somaliyeed”,+Dhageyso

0

Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somali-land ayaa ka hadlay sababta ka dambeysa heshiiska Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Xukuumadda Soomali-land ee Saldhiga Magaalada Berbera.

Muuse Biixi Cabdi ayaa tilmaamay in sababta loo saxiixay heshiiska Saldhiga Milatari ee Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil ay tahay mid dan weyn ugu jirta Soomalia oo dhan islamarkaana faaidada lagahelo ay umadda Soomaliya ka faaidi doonto.

“Saldhiga Milatari Ee Berbera Waxaa Loo Saxiixay dan Somaliyeed, looma saxiixin in lagu duqeeyo meel gaar ah, Somaaliya hogaan way leedahay, heshiiska Saldhiga Magaalada berbera waxaa kala saxiixday Somali-land iyo Dowladda imaaraadka carabta, Dowladda Soomaliya iyada wax un ayay ka ogtahay”, ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Dhanka kale Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray dadkii Soomaliyeed ee lagu laayay Gantaalkii lagu dhuftay dooni ay la socdeen ee kusii jeeday dalka Suudaan, waxa uuna u sababeeyay arintaas shaqo la’aan dalka ka jirta.

https://youtu.be/SM35DOseOHI

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here